Af Soomaali

Väestoliiton Kotipuu waa xarun ku xildheer oo khibradna u leh arimaha la xiriira ajnabiga ama su`aalaha ku saabsan dadka asalkoodu uu yahay ajnabiga hor u markooda iyo nolashooda ayadoo ka caawineysa arimaha la xiriira barbaarinta caruurta iyo xiriirka u dhexeeya labada qof ee is qaba ama xiriirka qoyska ka dhaxeeya.

Waalidiinta waa la caawiyaa oo waxaa laga caawiyaa su`aalaha ku saabsan barbaarinta caruurta iyo arimaha qoyska. Wakhtigan xaadirka ah Väestoliiton Kotipuu waxay u adeegtaa dadka luqadoodu ay tahay afgaan(dari), bersi, kurdi (soraan), soomaali iyo ruush, laakiin waxaan kaloo aan u shaqeynaa ama aan u adeegnaa dadka ku hadla luqada ingiriiska iyo iswidhishka oo laakiin ajnabiga ah. Macaamiisha kale ee ajnabiga ah ee luqadaha kale ku hadlana turjubaan ayaan u adeegsaneynnaa.

Shaqadey qabato
Waalidiinta ajnabiga ah waxaa la siinayaa siminaaro iyo (shirar) wada sheekeysi ku waas oo inta badan aan la qaban qaabineyno xafiisyada dowlada (mas`uuliyiinta), hey`adaha iyo ururada ajnabiga.

Väestöliiton Kotipuu waxay shaqaalaha dowlada siineysaa la talin gaar ah oo kala duwan iyo kula talin telefoon ama e-mail.

Kulamada waayyo iyo talo isweydaarsiga waaridiinta iyo seminaarada

Kulamadan oo kale waxaan u qabanqaabinaa (waalidiinta ajnabiga ah) siminaaro ( kulammo). Ula jeedaduna waxay tahay in la xoojiyo waalidnimada, sidii ay bulshadan cusub ugu ahaan la haayeen waalid adag oo ilmahooda ku barbaarsada iyo in ay helaan bulsho kale ama dad kale oo ay fikrado ka qaataan oo ay isku marxalad yihiin.

Waxyaabaha laga wada hadli karaa (la falaqeyn karaa) waxay noqon karaan sidoo kale:


• khibrada la xiriirta soo guuritaanka iyo is bedelka waalidnimada
• la dhaqanka caruurta iyo ku barbaarinta caruurta Finland
• ku barbaarinta labada luqadood iyo ka caawinta iskuulaadka
• dhalinyarada ajnabiga oo arimo badan oo adag dhexda ugu jira
• ka qeyb qaadashada aabaha nolasha reerka
• is bedelka reerka dhexdiisa ku yimaada oo la xiriira soo guuritaanka
• dhinacyada reeraha ay ka heli lahaayeen gargaar iyo caawinaad

Luqada guruubka looga wada hadlayana waxay noqon karaan finnish, somali, ruush iyo carabi. Wada hadalkaas ama sheekeysigaas guruubka ah waxaan la qaban qaabineynaa ururada ajnabiga ah, hey`adaha iyo mas`uuliyiinta dowlada. Na soo wac hadaad u baahantahay warbixin dheeraad ah. Waxaad kaloo noo soo bandhigi kartaa taladaada iyo fikradahaada ku saabsan waxa laga wada hadli karo oo aad dooneysid in laga wada hadlo. nagala soo xiriir e-mailkan kotipuu(at)vaestoliitto.fi ama telefoonkan (09) 2280 5143.